logo Warwad


Waa maxay FOREX ama Forex-Trading

Sida aad inoogu barateen maqaalada tayada leh maanta waxaan rabnaa inaan idin kor marno FOREX.
FOREX waxaa laga soo gaabiyay luqadda english ka : Foreign Exchange oo micnahiisu yahay sarifka lacagta qalaad.

Waxaad is weedineesaa haday sidaa tahay waa maxay midka internet ee lacag badan la balan qaadaayo uu leeyahay lacagtaada kuu shaqeeneeso..
Si aan taa ugu jawaabno waxaan ubaahanahay marka hore inaan fahano Forex-Trading oo ah asigana ka ganacsiga lacagaha qalaad sarifkooda.

Haddii aan dib ulaabalano boqolaal sano ka hor sarifka waligiis wuu jiray marba marxalado kala duwan ayuu soo mari jiray ilaa maanta ay noqotay sarifka in qaab internet loo sarifto.

Wadamo badan ubadanyihiin aduunyada Sedexaad sida Afrika iyo Aasiya waxa ku soo badanaaayo dadka ka faaideesanaaya ogaanshahaas kadib sameenaayo balan qaadyo been ah oo ee leeyihiin waxaad ii dhiibtaa lacagtaada waxaana bil walbo ku siinayaa 60% ama in udhaw.

Haddii aad ogaatay forex ino yahay sarif lacag qalaad waxaad ogaaneesa in arintaasi xaqiiq noqan karin uusan sarifle bil walbo keeni karin boqolkiba lexdan, xataa hadduu yahay sariflaha aduunka ugu fiican..

Haddii ay sidaa tahay dadka maxay usirmaan?
Tusaale: Lacagta caadiga ayadoo run ah iyo ayadoo been ah ayee jirta soo ma’ahan ? Forex ka waa sidoo kale taas keeneeso dadka inay iskaga qaldamaan.

Haddii aad rabto inaad forex barato waa wax la baran karo, lagana shaqeesan karo inkastoow qasaaradiisu aad uweentahay xataa haddaad barato, laakiin lacagtaada ii dhiib waan kugu shaqeenaa wax ubadan been qaasatan marka lacago badan laguu balan qaado.

Fikradaada ka dhiibo n