logo Warwad


Hada ka hor sheeko qosol badan oo qoraal ah

Hada ka hor oday duq ah oo waxaa jiray fuundi ahaa, waxa uu geedo kasoo gooyn
jiray webiga jinkiisa, kadibna wuu kasii
ganacsan jiray, maalin ayaa Miishaartii uu watay webiga ugu dhacday odaygii murugo Gabar jinniyad ah ayaa meesha kasoo baxday
oo weydiisay maxaa kugu dhacay odaygii waxa uu dhahay miishaarteydii risiqeyga dhan ku xirnaa ayaa meesha iiga dhacday,
gabartii jinniyada aheyd waxay gashay oo yumbatay biyihii waxay soo baxday ayadoo wado Miishaar dahab ah Tan miyaa
Miishaartaada? ayay dhahday, odaygii maya
ayuu dhahay, hadana way yumbatay biyihii mar labaad, waxay soo baxday ayadoo wado miishaar qalin ah tan miyaa ayay dhahday?
odaygii maya ayuu dhahay, markii danbe mid bir ah ayay soo bixisay tan miyaa ayey dhahday? odaygii haa ayuu dhahay, Jinniyadii
odayga daacad nimadiisa ayey ku faraxday kadibna way siisay miishaartiisii,waxayna hadiyad ahaan usoo raacisay labadii miishaar ee kale ee dahabka iyo qalinka kala ahaa. Maalmo kadib hadana odaygii isla webigii waxaa ku dhacday Xaaskiisii, gabartii
jinniyada eheyd ayaa imaatay maxaa kugu
dhacay? Xaaskaygii ayaa webiga iiga dhacday
hada ayuu odaygii dhahay, Jinniyadii webigii ayay yumbatay kadibna waxay soo baxday ayadoo Nimco Dareen wado waxay dhahday tan miyaa xaaskaaga? odaygii waxa uu
dhahay: HAA waa ayada, jinniyadii odayga beentiisii ayay ka xanaaqday maxaad been u sheegeesaa ayay dhahday, odaygii wuxuu
dhahay: waxaan ka cabsaday in aan Maya
dhaho oo hadana mar labaad aad biyaha
gashid oo FARXIYA FISKA aad soo bixisid maya aan ku dhaho, kadibna aad mar kale
gashid oo Ikraan Caraale soo bixisid kadibna
Maya aan ku dhaho, hadana aad soo bixisid xaaskeyga oo ”HAA” aan ku dhaho, kadibna ayaga macal xaaskeyga aad isugu keey soo dartid hadiyad ahaan camal ayaan ka cabsaday, oday ayaana ahay awood uma hayo kulligood intaas ayaan ka cabsaday,
Gabartii Jinniyada eheyd markale way u riyaaqday odayga daacadnimadiisa,
Xaaskiisa ayay usoo bixisay, kadibna xaawo kiin ayey hadiyad ahaan camal ugu soo raacisay kkk

Fikradaada ka dhiibo n