logo Warwad


Ma jaceshahay in aad dhisato qoys farxad iyo nolol ficaan ku waaro aqriso qoraal kaan

Ma jaceshahay in aad dhisato qoys farxad iyo baraare ku waara? mise waxa aad isku diyaarineysa aroos? waa su’aal dhalinyaro badani aaney ka fakerin kuna dhiiranin khaasatan dhalinayrada Soomaliyeedee maanta , iyagoo ku degdega guurka oo aanay wali u bislaanin fahansaneyna macnaha xilkan culus ujeedooyinkiisa, iyo shuruudaha looga baahanyahay inuu qofku maro intaanu haweysanin masuuliyadaas baaxada leh.Dhalinyarada maanta waxa ay ku riyoodaan inay dhistaan aqal xalaal ah ooy la wadaagaan qofka naftoodu ay ka hesho waxa ayna aad ka fakaran siday ay u qurxin lahaayeen wacdaro xoogana uga muujin lahaayeen maalinta dabaaldega arooskooda, iyagoo si xad dhaaf ah u qarash galiya lacago badan oo kumanaan doolar u dhaafi kara . waxeyna isku isku howlan aroos baaxad weyn oo aad lagu dhibaatoodo kaasi oo ducada, waanada iyo Alle (SWT) ka cabsiguba ku yartahay!

Hadaba dhalinyaradaasi wa kuwa nuuce ah ? hadii aanu is weydiino waa kuwa inala dhashay, la dhalay, asxaabta ah amaba la oran karo cidkastaa oo guur hiigsaneyso. Iyadoo da’ ama deegaan toona xirnayn mushkiladahani oo ah mid dhamaan Soomaalida aduunka kunool wada saameysey. Waata ugu weyn ee burburisa reerka cusub ee la unkay, kala erida laba waalid oo ubad iskuleh oo ah mushkilad dhabarka ka jabineysa asaaska bulshada Soomaliyeed.

Waxa hubaal ah in qofka guurdoonka ah ee Reer magaalka ah aanu ahamiyada siinin arrimo fara badan, oo muhiim u ah xulashada qofka ku munaasibka ah ee uu noloshiisa la qaybsanayo, ileyn guri guntuu ka dhismaaye , Waana inuu ahaadaa mid dad, dab iyo dabayl, waxba ka tari karin adigoo ilaahay la kaashanayana waa inaad qorshe u yeelataa in aad adkeyso asaaska qoyskaga.

Dhaqan ahaan dadkeena miyigu way inaga duwan yihiin xaga doorashada iyo xulashada lamaanahooda, taasi oo marka uu nin dhalin yaro ah uu u diyaar garoobayo Guur uu maro talaabooyin cayimanoo ay ka mid yihiin latashiga reerkooda, inuu u kuur galo helista gabadh qiimo leh oo uu la sheekeysto, isaga oo xiranaya dhaqanka iyo hidaha iyo xeerarka u yaala bulshada Somaliyeed ee ay isu degaanka yihiin, taasi oo mararka qaarkood reerkoodu caawiyo, waxaana uu ku xushaa gabadha uu noloshiisa la qaybsanayo howlkarnimo, Naxriis, dadnimadeeda, dhaqankeeda iyo fariidnimadeeda oo ay u dheertahay isfaham iyo israbitaan labadooda dhex mara.

Gabadha miiga aya waxa ay xushaan wiil gayaankeeda, iyadoo marka ay u bislaato u diyaargarowda oo ay haweysata ay xulata nin hanan kara oo dheeli tiran, reerkoodana dhisi kara.

Inkastoo aynaan aheyn xoolo dhaqato oo 70% bulshadeenu ku kooban tahay magaalooyinka waxa aad u kala duwanaaday nolosha maanta iyo tii hore, iyadoo farqi u dhaxeeyey raga iyo durmarku noqday mid is dhex galay, dhaqankii kala hagayeyna ku yaraaday ama noqday mid la taabo qaadi waayay wakhtiga iyo horumarka degdega ah ee magaalooyinka, waxaana muhiim noqotay in reer magaalkii bartaan xirfado kala duwan si ay ugu soo saartaan nolol maalmeedkooda, iyadoo horumarkii bulshadu keenay in lamaanaha is guursanayaa wada qaadaan mas’uuliyada reerkooda si ay uga dabaashaan nolosha iyo kharashka joogtada ah, taasi oo dumarkiina qabteen shaqooyin iyo xilal muhiimoo gaar u ahaan jiray ragga, taasi oo keentay isfaham waaga ugu weyn ee jira maanta.

Xil wadaaga iyo xuduudaasi isku furmaytay awgeed waxa meesha ka baxay waxyaabahii kala saari jiray mas’uuliyada reerka, khaasatan marka la ay is guursanayaan dhalinyarada wax baratay oo ku xisaabtamaya in mid walba shaqo tago oo noloshii iyo mas’uuliyadii reerka u qaybsadaan labadooda oo midkiiba helo 50% . Sida caadada u ah dalalka horumaray, dhaqankii aynu ku soo nooleyna sameyn weyn ku yeelatay. Taasi oo marka is faham waa yari dhaco u fududeysay dad badan ku degdega furiinka oo dhib yaraan u dhaca maadaama aan aad laysku baahneyn.

Hadaba maxaa xal ah, ee lagaga hortagi karayaa dhibaatooyinkani? Intaan heerkaasi laysla gaadhin waa in qofka gaadha da’ uu ku guursado inuu horta isagu miisaanka isa saraa, oo is weydiiyaa su’aalo badan! oo u ifinaya una guud maraya isu diyaarinta nolosha cusub iyo isbedelka guurku ku soo kordhinayo naftiisa. Arrimahaas oo saldhig iyo aasaas adag u noqonaaya fahmida shakhsiyadaada gaar ahaaneed iyo run u ogaanshaha qofka kugu munaasibka ah adiga. Talaabadanina waa mid ka horeysa intaanad sheeko tagin waayo kuu suurtoobeysa ogaanshaha qofka kuu qalma ee aad isku haboon tihiin.

Waa su’aalahee ayaad ku ogaan karta inaad guur waara diyaar u tahay iyo inkale, waa qaar taabanaya xaqiiqada iyo danaha labada dhinacba, oon aan ku koobneyn kuwaaga kaliya! sababtoo ah Guurku waa wax wada qaybsi waxa aanad ku casumeysaa oo u ogolaaneysaa qof kale oo lab ama dhedig ah (kaa duwan adiga) noloshaada dhinac kasta sida wada tashiga, aqal wadaaga, gogosha, cuntada, lacagta, ehelka, caruuta (hadii ilaahay idin siiyo), ganacsiga, jacaylka, caafimadka, xanuunka iwm.

Ogowna in labadiinu kala tihiin lab iyo dhedig oo aanu ilahay (SWT) isku mid idinka dhigin, xaga dabeecada, maskaxda, dhaqanka iyo dareenkaba oo dumarku yihiin caadifiyiin wakhtiyo gaar ah u baahan xanaaneyn iyo daryeel. Xagga raga ilaahay siiyey maskax miisaaman oo caadifiyadu ku badneyn, iyagoo markaaba isku daya xalinta wixii la soo gudboonaada si degdeg ahna u dhaafa oo hadal hayn waxa dhacay. Arintan oo marmarka qaarkood noqota caqabad kale oo soo wajahda lamaanaha oo loo baahan yahay in uu midba midka kale fahmo oo wax la qabto.

Fikradaada ka dhiibo n