logo Warwad


Baaritaano fara badan oo ay sameeyeen qolooyinka ku xeel dheer cilmiga caafimaadka ayaa tilmaamaya in sedex meelood meel ka mid dadka dunida ku nool ay la tacaalayaan dhibaato hurdo la’aan. Hurda la’aanta ayaa waxaa sababa waxyaabo fara badan. Hadaba calaamadaha lagu garto hurdo la’aanta waxaa ka mid ah:-

  • Inaysan hurdo kaa imaaneyn, xitaa hadii aad daalantahay.
  • Inaad soo kacdo dhowr jeer misana aadan awoodin inaad hurdada ku laabato.
  • Inaad soo kacdo saq dhexe oo habeenkii adigoo dareemayaa daal fara badan.
  • Inaad maalintii dareento Lulmo iyo daal.
  • Iyo adigoon hurdi Karin ilaa aad ka isticmaasho kaniini IWM.

Hadaba raac talaabooyinkan si aad ugu hortagto hurdo la’aanta isla markaan hurdo macaan u seexato.

1)Soo wayseyso intaadan seexan ka hor.

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri: “ markasta oo aad aadeyso sariirtaada wayseyso, una seexo dhankaaga midg.” (Bukhari)

Sidaas daraadeed in la wayseystaa hurdada ka hor waa wax sunno ah misana aad ajir ku heleyso. Sido kale habeenkaas hadii aad sidaas ku dhimato waxa noqoneysaa qof Muslim dhab ah, wax ka fiican ma jiro inaad dhimato adigo iimaan leh janadana aad horay ka gasho.

2)Isku day qolka jiifka ah inaad ka dhigto mid mugdi ah oo xasilan.

Dadka badankii ayaa seexda TV-ga oo shidan ama nalka oo daaran taasoo keeni karta weecsanaan. Xaqiiji wax kasta, Computer, TV, Radio IWM inaad wada baqtiiso intaadan seexan. Taasi waxey kaa caawineysaa in naftaada waxba ka mashquulin oo aad si degan u seexato.

3)Naso intaadan sariirta aadin ka hor.

Inta badan dadka ayaa seexda iyagoo xanbaarsan istareeskii iyo daalka ay maalintii lasoo kulmeen iyagoo rajeynaya inay horay ka hurdaan lkn arinta sidaa maaha. Istareeska maskaxdaada ku jira wuxuu kaa hor istaagayaa inaad hurudo. Fikrada ugu wanaagsan ayaa ah inaad wax xoogaa daqiiqado ah nasato, qubeysato maskaxdaadan dejiso ka hor intaadan sariirta tagin.

4)Ha seexan xil danbe oo maalintii ah.

Tani waxay kaa qaldi kartaa hurdadaadi caadiga aheyd, seexo waqti hore habeenki si aad waqti hore usoo kacdo maalintii adigoo hurdo kugu filan seexday.

5)Iska ilaali cunooyinka huradada wax yeeli kara.

Waxaa ka mid kafeeyga iyo iyo waxyaabaha mukhaadaraadka sida khamriga iyo Khaadka kuwaaso siyaabo kala duwan dadka u saameeya, xitaa hal koob oo kafee subaxdii aad cabtaa wuxuu saameyn ku yeelan karaa hurdadaada habeenkii. Hadaba waxaa kuu wanaagsan inaad ka hortagto wax kasta oo huradaada waxyeeli kara.

6)Aalamiinteey maalin kasta.

Waa u daawo dhinacyo badan oo caafimaadka ka mid ah, uma baahnid inaad aalamiinteeso xiliga huradada ka hor, kaliya waxaad u baahantahay inta maalintii lagu guda jiro ama asbuucii dhow jeer, xaqiiqdi waxay kaa caawineysaa hurdo la’aanta.

Fikradaada ka dhiibo n