logo Warwad


Qaabka iskaga yareyn kartid Stress ka

Walwalka badan (Stress) waa mid qatar ku ah nolasha qofka aadanaha ah kaas oo sababi kara in qofka caafimaadkiisa iyo miisanka jirkiisa uu lumo isla mar ahantana farxada iyo fir fircoonida qofka uu lahaa gabi ahan ka suusho, walwalka badani waxa kale oo ka dhasha cunto xumo, hurdo la’aan , madax xanuun badan iyo cadaadiska dhiiga oo heerkiisa sare u kaca ,si aan u macsalameyno oo aan u yareeyno stress-ka tobankan ayan kaga gudbi karnaa:

Hurdo kugu filan: marka uu jirkagu daalan yahay maskaxda waxey halis ugu jirta waxyabo badan sida in daalka awgii ay ku xanuunto ama buuq inu maskaxdada ku furmo taa aya laga yaba in ay stress kugu furto, si aad nasiino badan u hesho waa in aad qadata waqti kugu filan oo hurdo ah sida 8-7 sacadood

U sheeg naftaada waxyaabaha aad ka walwalsan tahay: marki aad naftada u sheegto oo aad qeexdo caqabada ama dhibta ku heysa oo aad ka fakarto talaboyinka ugu haboon ee aad qaadi karto waxey ka cawineysaa inuu ka yaarado walwalki aad qabtay

Qor caqabadaha ama dhibaatooyinka kusoo wajahay: in aad qorta dhibta aad ka cabsi qabto waxey ka cawini karta in aad xal badan oo wax ku ool ah hesho maxa yeelay marki aad qorto oo aad rog rogto si qoto dheer oo feejigan ayad u fakareysa taas oo ku suura galineysa in aad hesho xal badan oo ka maqnaa

Neef badan qaado: in dhan 3-2 daqiiqo marki aad si qoto dheer u qadato jirkaagu waxa uu dareemeya fir fircooni badan maskaxduna waxey ka heleysaa xasilooni.

Isticmaal waxyaabo Udgoon: nadaafada iyo waxyabaha aadka u odgoon ayaa waxa ay qeyb ka qaatan caafimadka , xasilonida iyo farxada jirka iyo maskaxda qofka adanaha ah tani waxa ay yareyn karta walwalka iyo daganasho la’aanta qofka.

Leylinta jirka: hadii aad jeceshahay in aad jimicsi sameyso ama aad soo rucleeyso aroorti waa tan ugu fiican! maxaa yeelay jirkaga iyo maskaxdada waxa ay ka helayan caafimaad, istareex iyo fur furnan badan.

Cabitaan badan: ruuxa marka uu soo wajaho walwal ama stress waxa hoos u dhaca miisaanka jirkiisa taas oo ay sabab u tahay cuno xumida, jirkaga marka uusan helin biyo fiican waxa ay fursad u noqonaysa in ad la kulanto gabowga maqaarka hadaba wa in aad cabtaa cabitaano aad ka heli karto nafaqo sida liinta, karootka iyo khudrada nuucyadeeda kala duwan si jirkaga iyo maskaxdada ay u helaan caafimaad.

Ku fakar waxyabo ku farxad galiyo: ku fakar waxyabo ku farxad galiya kuna dar meertaada noloshaada in aad faraxsanato, ahow qof ay saadashiisa saldhig u tahay in uu ku fakaro waxyaabo wanagsan oo horumar iyo guul u horseedi kara khubaro badan oo cilmi nafsiga ku taqasusay aya laga wariyay in qofka aragtida iyo sadasha wanagsan uu ka caafimad badan yahay dadka guul darada aragtiyada xun qaata ee cabsi galiya naftiisa, ku fakar waxyaabo ku farxad galiya si aad u noqoto qof faraxsan oo bad qaba.

Sare u qaad aqoontada iyo waayo aragnimadada: waayo aragnimo yarida iyo aqoon darida waxey kaalin ka qataan walwalka iyo daganasho la’aanta ruuxa, waayo aragnimadada iyo kobaca cilmigaaga waa kalsonida buuxda ee aad siin karto naftaada waxeyna ka heli karta istareex, bad qab iyo xasilooni.

Cibaado: Qodobadan aan so sheeganay waxa saldhig u ah in la badiyo cibaadada oo Allaha subxana watacaala loo dhawaado mar walibana digriga alle xuska alle la badiyo quraan akhriska iyo salaadaha oo la badiyo.

Fikradaada ka dhiibo n