logo Warwad


Sheeko Qalbiga Taabaneysa.Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, wax caruur ah iskuma aysan dhalin, habeen habeenada kamid ah ayagoo is ag jiifa ayey sheekeysteen, waxay is weydiiyeen ayagoo cod hoose ku hadlaya sababta ay ilmu u heli la’yihiin, sheekadii ayaa ka dheer dheeratay waxayna isku badashay buuq, ugu dambeyn waxaa lagu heshiiyey inay dhaqtar barri u tagaan si ay u ogaadeen dhibka dhanka uu kajiro.Ayagoo qofna u sheegin ayey subixii dhaqtarkii aadeen, baaritaankii kadib Axmed ayaa wuxuu u soogalay dhaqtarkii si uu natiijada baaritaanka ugu sheego, dhatarkii wuxuu Axmed tusay natiijadii baaritaanka; taas oo aheyd inuu Axmed caafimaad ahaan fiican yahay balse ay Maryam qabto xanuun islamarkaana aysan suurto gal aheyn inay uur qaado, sida uu dhaqtarku sheegay, wuxuuna intaa ku daray in aan rajo laga qabin inay ka bogsato xanuunkaas.Axmed markii uu natiijada arkay wuu murugooday, saas oy tahay hadana wuxuu ku shukriyey Allaah.

Dhaqatarkii ayuu u sheegay inuu xaaskiisa u wacayo si ay gudaha u soo gasho, laakiin wuxuu ka codsay inuu dhaqtarku u sheego Maryam in aysan wax xanuun ah qabin dhibkana uu yahay dhankiisa.Dhaqtarkii arintaan inuu sameeyo waa uu ka diiday, Axmed-na wuu ku adkeystay ilaa ugu dambeyn uu dhaqtarkii ka ogolaaday, waxaa loo yeeray Maryam, markii ay gudaha soo gashayna waxaa loo sheegay in uu xanuun qabo Axmed kaas oo aan la rajeyneyn inuu ka bogsado islmar ahaan taana aan suurto gal ka dhigeyn inay ilmo dhalaan, balse ay iyadu fiican tahay.Axmed markii uu warka dhaqtarka maqlay wuu aamusay wuxuuna fiiriyey Maryam isagoo wajigiisa ka muuqato sida qof quustay oo kale.Lamaanihii waxay ku laabteen gurigooda, arintii ka soo baxday baaritaankii labadooda waxay si tartiib tartiib ah ugu fiday dariskooda, qaraabadooda iyo saaxiibadood.

Noloshoodii ayey sii wateen ayagoo dulqaadanaya, balse markii 5 sano ay ka soo wareegatay xiligii baaritaanka ay sameeyeen Maryam waa ay dulqaadan weysay, waxay u imaatay Axmed si ay ugu sheegto go’aankeeda, waxayna ku tiri sidaan.“Axmed aniga iyo adiga waxaan is qabnaa mudo 11 sano ah ilaa iyo intaasna wax caruur ah manaan helin, aniga waligey kuguma soo hadal qaadin furiin, balse qoyskeyga iyo saaxiibadeyba way igula taliyeen in badan inaan furiin ku weydiisto ana kamayeelin sidaas anigoo og inaad madhaleys tahay, laakiin markaan waxay u muuqataa intaas ka badan inaanan sabri karin, fadlan waxaan kaa codsanayaa inaad iska key furto si aan u guursado nin kale oo aan u helo ubad ay indhaheygu ku doogsadaan.”Axmed markii uu maqlay hadalka Maryam kuma uusan farxin, wuxuu ku yiri in arintaan ay amar Allaah tahay loona baahan yahay inay ku sabraan, isagoo intaa u raaciyey inay mudo kale siiso laga yaabee inay wax is badalaan.Maryam way ka aqbashay, iyadoo u sheegtay inay siineyso mudo hal sano ah oo kaliya hadii sanadkaas ay wax is badali waayaana ay kala tagayaan.

Sidaas ayaa lagu heshiiyay.Maalmo yar kadib Maryam way xanuunsatay, isbitaal ayaa la seexiyey xaaladeedana aad ayey u liidatay, natiijadii baaritaanka waxay noqotay in mid kamid ah labadeeda kiliyood ay howl gab noqotay.Maryam markii ay ogaatay natiijada, waxay la hadashay Axmed iyadoo dhaheysa, “arintaan oo dhan waxay iigu dhaceysaa dartaa, maxaad mar hore isaga key furi waysay aniga waxaa rabaa inaancaruur dhalo, waxaan rabaa inaan ilma heyga arko, hadii aan hada sidaan gablanka ah ku dhinto ka waran?”Axmed wuxuu ku yiri, “aniga waan baxayaa safar dibada ah ayaan u socdaa waana ka xumahay dhibka ku heysta, waxaan rajeynayaa inaad dhowaan bogsan doonto”“Haah, orod isa bax” ayey ku tiri ayadoo xanaaqsan.“Waan baxayaa, laakiin waxaan u baxayaa inaan raadiyo qof kili kuugu deeqa” ayuu ku jawaabay Axmed.Maalin ka hor maalintii qaliinka ayaa waxaa Maryam u yimid dhaqartakii wuxuuna u sheegay in la helay kilidii loo galin lahaa barritana qaliin lagu sameyno.Maryam waxay soo xasuusatay ninkeeda iyadoo is weydiisay waa nin noocee ah, adigoo barrito qaliin galaya ayuu iska maqan yahay!!Si kastaba ha ahaatee, qaliinkii waa lagu guuleystay,usbuuc kadibna waxaa soo laabtay Axmed.Mudo 11 bilood ah qaliinkii kadib , Maryam way umushay, waxay iyada iyo Axmed heleen cunugoodii1-aad, aad ayeyna ugu farxeen, noloshoodiina way isbadashay.Maalin maalmaha kamid ah Axmed wuxuu guriga kuiloobay buug yar oo xusuus qor u ahaa, kaas oo ay ku qorneyd sir uu mudo qarinayay.

Buuga wuxuu ugu dul tagay miiskii uu ku quraacday.Maryam ayaa aragtay buugii, way furtay si ay u eegto waxa ku qoran, Waxay ku dhowataay inay suuxdo markii ay aragto sirta buuga ku qoran ee ku saabsan iyada iyo seygeeda, aad ayey u naxday.Isla markiiba waxay wacday Axmed, markii uu yimidna wey ilmeysay wayna raali galisay, arintaan kadib Maryma mudo 3 bilood ah ma aysan eegi karin Axmed wajigiisa xishood iyo yax yax dartiis.

Qofka kilida ugu deeqayna qof kale maaheyn waa isla Axmed, dhaqtarka ayuu ku sir qarsaday ilaa iyo inta uu ka bogsanayeyna qol dhaqtarka bes uu og yahay ayuu ku jiray, iyana wuxuu ugu sheekeeyay inuu safar aadayo.`Noqo mid lamaanihiisa ka taxadara

Fikradaada ka dhiibo n