logo Warwad


Sheeko qosol badan.. Nin u safray gobol kamid ah gobalada Soomaaliyeed

Sheeko qosol badan..
Nin ayaa ka soo safray gobol kamid ah gobalada Soomaaliyeed
waxuuna soo galay Xamar goor habeen ah waxuu soo fariistay maqaaxi (Maqaayad) weyn, waxaa isla markiiba u yimid wiilkii kabalyeeriga (Shaqaale) ahaa oo durbadiiba u tiriyay waxa yaala meesha yaalo.
Ninkii inta uu aamusay ayuu wuxuu ka gartay dalabkii DIGIR oo uu horay u ayaqaanay, markaas ayuu yiri ii keen saxan digir ah. Saxankii digirtii ayaa loo keenay. Qadar yar dabadeed ayaa waxaa soo agfariistay nin kale asigana sidii oo kale ayaa dalabka meesha yaal loogu tiriyay,waxuuna dalbaday kutaleeti waana loo keenay markii ninkii kutaleetigii oo dhamaystay cunistiis ayuu yiri ‘Biis saaxiib’ asagoo rabo mid kale loo keen.
Ninkii socotada ahaa oo aan ku qanacsaneen digirta uu cunay kana xishoonaya in uu yiraahdo saaxiib ii sheeg waxaad dalbatay ninka kale magacooda ayaa dhagihiisa ku soo dhaceen (BIIS SAAXIIB) asagoo u heesta magac cuntada waxa uu dalbaday ninkaa kale markaas ayuu intuu u yeeray yarkii shaqalaha ahaa yiri ‘biis saaxiib, markiiba yarkii digirta ayuu la soo booday, isagoo xishoonaya ayuu cunay. Halkii buu ka soo baxay asagoo dibirsan oo isla hadlayo “Balaayo biis kuu oratay mar dambe” .
Mudo kadib ayaa ninkii waxaa u suurowday in tago Xaflad oo Samatar ka heesaayo Samatar ayaa hees macaan oo dadka badan aad u jecleesteen dhameeyay misana halmar ayee dadkii ku dhawaaqeen BIIS BIIS BIIS..
Ninkii odayga ahaa ayaa yaabay oo yiri: war miyadaan soo casheenina maxaa digirta ku fasheen ma waalantihiin meeshaan miyaa meel wax lagu cunaa war xataa wax kale maa dalbataan..

Fikradaada ka dhiibo n