logo Warwad


Sheeko qosol badan

Sheeko Qosol ah oo gaban , oday reer baadiya ah ayaa u soo safaray magaalada bil ramadaan walina ramadaana muu usoosafrin magaalada habeenkii buu suuqa tagay masaajid lagu tukanaayo ayuu arkay cishaha buu is idhi soo tuko yayna ku dhaafinee masajidkii buu jamaca la xidhay ileen taraawiix baa latukanaayay odaygii isagoo yaabsan buu dhameestay salaaddi masaajidkii markuu ka soobaxay ayuu arkay 3 oday oo iswareesnaya mid ba idhi “waar sixir barar baa dhacay ee sonkortii imisaad ku ogaydeen” mid baa u jawaabay markaasu idhi “20 doolar” markaas bu idhi “hadda 40 ayay maraysa” mid kale aya idhi “oo baastada imisaad ku ogaydeen” markaas buu mid kale u jaawabay oo idhi “10 doollar” markaas buu idhi “hadda 20 ayay maraysa” markaas buu intuu kusoo dhex dhacay odaygii baadiyaha ahaa odayaashii is wareesanayay ayuu idhi “waar salaadii cishaa imisaad rakaco ayaad ku ogaydeen markaas bay odayaashii oo yabsan u jawaabeen “dee 4 rakco” markaas buu idhi hadda 23 rakco ayay maraysa wax kastiba way kaceen hhhhhhhh

Fikradaada ka dhiibo n