logo Warwad


Sheeko Qosol badan oo Juxa ah

Juxa iyo ninkii uu guriga ka kiraystay: Juxa ayaa beri guri ka kiraystay nin uu garanayey, markii uu Juxa gurigii u soo guuray ayuu arkay ceeb aanu guriga ku ogeyn, saqafka sare ee guriga oo jilicsanaa awgii gurigu waxa uu lahaa sanqadh badan oo dabayshu lulaysay saqafka.

Juxa aroortii ayuu u soo cawday ninkii guriga ka kireeyey oo uu u sheegay in saqafka gurigu sanqadh badan samaynayo, sidaa awgeed ay tahay in uu ka sameeyo.

Ninkii ayaa ku yidhi, “Waxba ha ka baqin, Saqafku Alle ayuu u tasbiixsanayaa ee” Juxa oo fahmay in ninku khiyaamaynayo, oo weliba diin ku xujaynayo, ayaa yidhi, “Waa runtaa, oo anba waan ogahay, laakiin waxa aan ka baqayaa in qalbi jileecu ka bato oo uu isaga oo sujuudsan nagu soo dul dhaco”

Fikradaada ka dhiibo n