logo Warwad


Vatamiinada quruxiyo jirka iyo cuntooyinka laga helo

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay jiraan dhowr nooc oo ka mid ah fiitamiinnada oo awood u leh in uu jirka uu la dagaallamo gabowga, kuwaas oo muddada ugu dheer ee suurtogalka ah maqaarka ku ilaalinaya dhalinyaronimada. Maqaarku awood buuxda uma laha in uu samayst fiitamiinnada uu u baahan yahay, sidaa awgeed waxa uu mar kasta gacan ka sugaa cuntada oo uu ka raadsado fiitamiinnadaa.

 

Waxaa ka mid ah Fiitamiin C oo isagu si weyn unugyada maqaarka uga difaaca dhibta ka soo gaadhi karta fallaadhaha qorraxda, Faytamiin C waa kan ugu muhiimsan ee maqaarka ku ilaalin kara dhalinyaronimada iyo in aanu midabkiisa darayga ahi ka tagin. Qoraalkeenan waxa aynu ku baranaynaa qaar ka mid ah fiitamiinnada muhiimka u ah caafimaadka iyo qurxinta maqaarka iyo weliba cuntooyinka ugu habboon ee laga heli karo:

Fiitamiin C: Cuntooyinka laga helo waxaa ka mid ah saytuunka, liin macaanta, baydariinta, Cananaaska IWM.

Fiitamiin E:Fiitamiin E waxa uu maqaarka ka ilaaliyo dhibaatada ka iman karta fallaadhaha qorraxda, wasakhowga cimilada iyo maaddooyinka kale ee burburin kara unugyada maqaarka. Fiitamiin E waxtarkiisu waxa uu sii bataa marka uu la falgalo fiitamiin C ga. Cuntooyinka laga helana waxaa ka mid ah, Qamandiga, Cananaaska, Maangaha, Saliid saytuunta iyo Fuul Suudaaniga.

Omega 3: Omega3 waxa uu maqaarka ka dhigaa qoyaan dhalaal fiican leh, cuntooyinka laga helana waxaa ka mid ah, lawska, kalluunka, gaar ahaan noocyada aan lahayn dufanka badan, Shaah Akhtarka, IWM.

FG: Biyaha la cabbo ayaa iyaguna si weyn u ilaaliya caafimaadka maqaarka iyo quruxdiisa, waxa ay giijiyaan maqaarka oo ay ka ilaaliyaan coodh-coodhka, waxa ay kordhiyaan dhalaalka maqaarka, waxa aanay ka ilaaliyaan inta badan ee astaamaha gabowga.

Fikradaada ka dhiibo n