logo Warwad


Wax ka baro muhiimada ee biyaha leyihiin

Biyaha waa nolasha wax kasta oo nool,waana wax aan laga maarmi karin, wax kasta oo la istismaalana biyaha waa lambarka koowad mana jirto wax aan biyo lagu darin oo shaqeeya.

Maqaalkan waxaan si kooban uga hadli doonaa muxuu qur’aanku inoogu shaageya biyo ? Aduunka iyo sida uu u isticmaalo ? Soomaalida iyo sida biyo isku yiihin ? Xubnaha jidhka bini’aamka intee biye ah ? Dhamaan waxyaabahaa iyo kuwa kale ayaan u isticmaali doonaa xigashooyin xaqiiqi ah oo lagu kalsoonaan karo .

Marka hore waa maxay biyo ? Anigoon u eegin atamka ay biyaha ka kooban yihiin ayaan dhihi karaa Biyaha waa shey dabiici ah uu alle abuuray waa naxariis xagga rabbi ka sugnaatay in si dhib yar uu maqluuqiisa biyo ku siiyo, wuxuu alle inoo geliyay dhulka dushiisa iyo hoostiisa, buuraha iyo cirkaba, alle wuxuu qur’aanka inoogu sheegay isagoo ka hadlaya biyo “ Wax kasta ayaan biyaha nolol uga dhignay “

Dhinaca kale biyaha waa midka ugu muhiimsan wax kasta oo dhulka ku nool sida bini’aadmka, xoolaha, dhirta, Sababta ay muhuum u yihiinna biyaha waa lacabaa waa lagu qubeystaa lagu dhaqdaa, lagu karsadaa, lagu waraabiyaa, lagu dhisaa guryaha iyo waxyaabo kale oo badan.

Wiligaa ma maqashay hadaad doonto tixraac mise u maleyneysaa qof loogu yeero BIYO oo magacaasi loo bixiyay ? Waxey ila tahay cid matalkaa biyo la siin karo ma jirto. Soomaalida waxey magacyada inta badan ku bixisaa muuqaalka uu u sameeyo iyagoo ku lara magaca uu waxaasi leeyahay tusaale hebel waa LIBAAX,waa maxay miitaalkaasi ? Yacni libaaxa ayaa lagu sheegaa karti iyo geesinimo lagu ogyahay, laakiin hebel waa BIYO lama oran karo. oo biyaha miitaalkiisa ayaanu laheyn

Culumada saynisyahanada waxey sheegaan biyaha jirka bini’aamka ku jira in ay kala duwan tahay tusaale dadka waaweyn 50-75%.waa biyo. Laakiin ilmaha wey ka yara sareeyaan waana 75-78% caadi ahaan qiyaastii 75-78% biyaha, ay kursiga 65% ay hal sano jir.

Tusaale kale aduunka oo dhan dhulka waxaa biyo ah 70% waan taas xigmada ku jirta in helitaankooda uu alle inoo saqiray.

Dhismaha jirka ayaana la tilmaamaa in ay ku xeran tahay sida uu taa mu yahay, maxaa yeelay unugyada subaga ku jira waxaa ku yar biyaha nudaha unugyada baruurta aan laheyn.celceliska qofka weyn ee ragga ah biyaha jirkiisa ku jira waxaa la sheegaa in ay tahay 60%. dumarka weyn ayaana ragga celcelis ahaan ka badan biyaha jirka ku saabsan waana 55% sababtoo ah haweenka si dabiici ah ayey u leedahay unugyada subaga iyagoo ka badan ragga.

Boqlkiiba qiyaasta kale ee laga sameeyay biyaha jirka bini’aadamka waxey ku xeran tahay hadba fuuqa jirkaaga ku jira, dadku waxey oonka ama haraadka dareemaan marka qiyaastii uu jirka lumiyo 2-3% oo biyo jirkaaga ku jirtay. 30-40% miisaanka jirka aadanaha waa lafaha laakiin marka biyaha ku jira laga saaro miisaankaasi kala bar ayaa luma.

Hadaba aynu markana eegno sida soomaalida ay biyaha isku yihiin. Miyiga waxaa dhaqan ah in meesha biyaha iyo baadka leh lala eego xoolaha waa sida reer guuraaga xooladhaqatada ah ay yeelaan . Ku darso oo sahmin iyo u meel dayid kastaa waxaa loo eegaa biyaha iyo inta masaafo ee loo jirsado.

Kuwa aan guurguurin ee tuulooyinka yaala wey leeyihiin ceel biyood ama cabashadooda koowaad ayaa ah deegaanka dhibkiisu waa biyo la’aan. Taasi oo ku tuseysa wax kasta in ay ka horeeyaan biyo.

Marka colaadaha qaarkood laga sheekeynayo waxaa sal u ah dagaal ka kacay ceel biyood qoloba sheegato lahaanshahiisa. Balamaha qaarkood sida reer leysku dhiso ama mag lakala qaato waxaa sal loogu dhigaa ha inoo ahaato marka cirka hooro. Cirkana waxa laga sugaa waa biyo.

Markana caalamka iyo biyaha wixii laga qoray oo kooban:

Dadka afrika iyo aasiya biyaha waa dadka ugu badan ee masaafo fog biyaha u raadsada 3.7 mayl ama ( 6 KM ) ayey u doontaan biyaha.

Aduunka oo dhan 3.4 milyan oo ruux ayaa u geeriyooda sanad walba sababooyin biyo la xiriira

Qiyaasta goobaha lagu dabaasho ee loo yaqaan ( swimming pool ) biyaha ku baxa ee ku qasaara waa 1,0000 gallons (3,785 ) oo liitar bishii waxeyna ku baxaan si uumi ama sababo kale.

Suuliyada leh falashka biyaha ku baxa halkii mar ee la isticmaalo waa ( 1. 6 gal ) lix liitar

Dalka shiinaha ku dhawaad 700 milyan oo shiinees ah ayaa caba biyo aan nadiif aheyn

Lahafa bini’aadamka 31% waa biyo .

Wadanka PERU waxaa lagu sheegaa midka dadkiisa ugu haraadka badan yihiin gaar ahaan magaalada LIMA , dadka degan magaaladaasi biyaha ay helaan waa midka xiliga roob kaliya ku dhawaad 700,000 oo dadkaasi ka mid ah ma helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan .laakiin injineerada wadankaasi maxey sameeyeen hawada ayey biyo ka dhaliyeen maadaama dhulka biyo ka waayeen .

 

Fikradaada ka dhiibo n