logo Warwad


Huda & Carafat: Jaceylkii ka awood batay dhaqanka & qaanuunka Sacuudiga

Huda C/laahi oo kasoo jeeda qoys reer Sacuudi ah & Carafaat Alqaadii oo isna kasoo jeeda Yeman, ayaa lagu wadaa ineey Axada soo aadan kasoo muuqdaan Maxkamad ku taal magaalada Sanca ee Wadanka Yeman.
Maxkamadaynta labadaan dhalinyaro, ayaa soo bilaabatay 27 Bishii October aynu soo dhaafnay, Gabadha Sacuudiyanka ah ayaa hada ku xiran Xabsiga dadka sida sharci darada kusoo gala dalkaas, halka Carafaatna uu ku xiranyahay Xabsi kale.
Doowlada Yeman, ayaa Huda C/laahi ku eedeysay ineey si sharci darro ah kusoo gashay Yeman, halka Carafaatna lagu eedeeyay inuu Gacan ku siiyay arintaas.
Carafaat, waxa uu ahaa wiil ka shaqaysta Sacuudiga, islamarkaasna Tahriib ku galay, waxa ay is jeclaadeen Huda, waxa ayna go’aansadeen ineey is guursadaan, laakin waxaa isku diiday qoyska Huda, islamarkaasna kasoo horjeestay in Gabadhooda uu Guursado nin Yemani ah.
Qoyska Huda, ayaa go’aansaday ineey ku daraan wiil ay Ilmo Adeer ahaayeen, laakiin Huda wey diiday arinkaas waxaana ay Go’aansatay ineey la baxsato Carafaat.
Waan jeclahay……waan jeclahay……..waan jeclahay……….
Huda ayaa qoyskeeda si cad ugu sheegtay ineey aad u jeceshahay Carafaat, hadaan loo ogolaan Guurkiisana ay tahriibi doonto, taasoo keentay in walaalaheed iyo Waalidkaba ay u sheegeen ineey dili doonaan hadeey ficilkaas ku dhaqaaqdo.
Qareenkii hore ee Huda, C/raqiib oo BBC wareysi siiyay, ayaa sheegay, in Ciidamada Amaanka Yeman ay Huda ka qabteen meel u dhaxeysa Xuduudka Yeman iyo Sacuudiga, islamarkaasna ay u gudbiyeen Maxkamad ku taal magaalada Sanca, waxa uu sheegay Qareenkaan in Huda ay Yeman ka dalbatay in magan galyo la siiyo, laakiin aysan Jawaab ka helin wali.
Yeman ayaa sanadkii 1951-dii Saxiixday Heshiiska Caalamiga ah ee Qaxootiga, taas ayaana Huda xaq u siineysa ineey Yeman ka hesho Magan galyo, islamarkaasna aan maxkamad lasoo taagi karin.
Mar walbo oo Huda lasoo taago Maxkamada Sanca, waxay Qaadiga ka dalbaneysay in lagu mehriyo Jaceylkeeda Carafaat, iyadoo wajiga Qaadiga kula qeylineyso “Waan jeclahay, waan jeclahay waan jeclahay”.
Qisada Jaceyl ee u dhaxeysa Carafaat iyo Huda, ayaa hada ku faaftay Yeman oo dhan, waxaana ay heleen Taageerayaal farabadan, kuwaasoo go’aansaday ineey banaanbax weyn kahor sameeyaan Maxkamada maalinta Axada ee soo socota, markaasoo loo madlanyahay in lasoo taago Huda iyo Carafaat.
Soo galootiga sharci darrada ah, gaar ahaan dadka kasoo jeeda Khaliijka, ayay Yamaniyiinta u arkaan danbi aad u weyn oo aan marnaba la aqbali karin.
Hadii Maxkamada Yeman ay Axada xukmiso in Huda lagu celiyo dalkeeda Sacuudiga, ayaa waxaa hubanti ah in 90% ay khatar gali doonto Nolosha Huda, sababtoo ah qoyskeeda oo aaminsan Caadooyin iyo dhaqan soo jireen ahaa, kaasoo aan marnaba ogolaaneen in Gabadha la fakato Nin ajnabi ah.
Sidoo kale, waxaan shaki kujirin in Doowlada Sacuudiga ay Xabsiga dhigi doonaan hadii la celiyo, iyagoona kusoo oogi danbi ah, ineey la safartay nin ajnabi ka ah Muxrum la’aan.
Doowlada Sacuudiga, ayaa Yeman ka dalbatay in Huda lagu soo celiyo dalkeeda, laakiin Huda iyo Carafaat ayaa ku dhaartay ineey is dili doonaan hadii ay arintaas dhacdo.
Waqtiga ay is jeclaadeen:
Sadex Sano kahor ayay ahayd, markii ay Huda soo gashay Meel lagu iibiyo Taleefanada, islamarkaasna uu ka shaqeeynayay Carafaat, ayna kasoo baxday halkaas iyadoo uu haleelay Jaceyl soo boodo ah.
Dhanka kale Carafaat, ayaa isagoo Xabsiga dhexdiisa kujira BBC-da u sheegay, in Huda markii ugu horeeysay uu ku arkay meel uu ka shaqeeynayay oo Taleefanada lagu iibiyo, waxa uu sheegay inuu waalidkeed ka doontay 3 mar uuna ka dalbaday inuu Guursado, laakiin ay u diideen in Gabadhooda uu Guursado wiil Yamani ah.
“Waalidkeed waxay la rabeen wiil ay ino Adeer ahaayeen, laakiin Huda wey diiday inuu korkeeda taabto qof aan aniga ahayn” ayuu Carafaat u sheegay BBC.
Carafaat oo sii hadlaya ayaa sheegay, in Huda ay Waalidkeed 2 mar usoo bandhigeen ineey Guursato ina Adeerkeed, laakiin Huda ay diiday.
“Weey ila soo xiriirtay waxaana ay ii sheegtay ineey usoo caartay Yeman oo ay wadada kusoo jirto” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.
“Haa waxay ii sheegtay ineeysan ku laaban doonin Sacuudiga iyadoo Nool, anigana hadii lagu celiyo waan is dili doonaa, majiraan wax nakala geyn kara oo aan ahayn dhimasho, hadaan dhimanana laga yaabee inaan ku midowno Aakhiro” ayuu yiri Carafaat oo la hadlayay BBC.
Huda oo iyadana la hadleysay Warbaahinta, ayaa sheegtay ineey kasoo carartay Gurigooda, islamarkaasna ay soo raacday Baabuur ay lahaayeen qoys Yemaniyiin ah, waxay sheegtay ineey Darawalka ka dalbatay inuu Xuduuda Yeman geeyo, markii ay Xuduudka imaatayna ay Taleefanka kula xiriirtay Carafaat, iyadoona ku tiri “Carfaat adiga ama Geeri”.
Qareenka Huda, ayaa sheegay ineysan suurtgal ahayn in dib loo Celiyo Huda, waxaana uu sheegay in Nolosheeda ay qatar gali doonto hadii la celiyo.
Qareenka, ayaa sidoo kale sheegay in Carafaat uusan lahayn danbi, maadaama uusan Huda soo galin Yeman, kaliyana uu Saacado kadib gaaray markeey gudaha usoo gashay Yeman.

Fikradaada ka dhiibo n